Rooble oo soo dhaweeyay goaanka FEIT ay ku wareejiyeen deegaan doorashada Garbahaarey

 14 April 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu saaray ku soo dhaweeyey goaanka ay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ugu wareejiyeen Ceelwaaq deegaan doorashadii magaalada Garbahaarey.

Hoos ka akhriso qoraalka Roobe:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman.

About The Author