Sawirro: Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS oo lasoo gabogabeeyey, yaa noqday gudoomiye KMG?
14 April 2022 (Puntlandes) Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS oo ka socotay Teendhada Afisyooni ayaa lasoo gabogabeeyey.
Waxaa isla goobta looga dhawaaqay Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka JFS kaas oo ah Xil. Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo laga soo doortay koonfurta Gaalkacayo, halka Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee Aqalka Sare na uu noqday Sen. Maxamed Cali Gaagaab oo laga soo doortay woqooyiga Gaalkacayo.
Labada gudoomiye KMG waxay sheegeen in Kalfadhiyada Baarlamaanka 11aad maalinta Sabtida ah ay bilaabanayaan oo aan waqti la lumin doonin.
Munaasabdda dhaarinta waxaa kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, FEIT ay sii shaqayn doonaan inta laga soo dooranayo 25 kursi oo aan wali la dooran.