Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare oo warxibixin kooban ka jeediyay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 1aad ee Golaha Aqalka Sare oo maanta furmay
16 April 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa warxibixin kooban ka jeediyay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 1aad ee Golaha Aqalka Sare oo maanta furmay.
Ajandaha Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad ayaa ahaa:
1- Warxibixin kooban ee guddoomiyaha KMG ah howlaha horyaal Golaha.
2- Qaybinta xeer-hoosaad u gaar ah doorashooyinka Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Madaxwaynaha JFS.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare Senator Gaagaab ayaa u soo jeediyey Senatorada in 6da dawlad Goboleed Senatorada matalaya ay mid 1 xubin iska soo doortaan, kuwaas oo guddiga doorshada gudoonka Aqalka Sare.