Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo xilka u kala wareejiyay Kusimaha Agaasimaha Guud ahan Agaasime Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda
16 April 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa manta xilka u kala wareejiyay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahan Agaasime Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda.
Xilwareejinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiiru dowlaha, Xeer ilaaliyaha Dowladda,Xisaabiyaha guud ee Dowladda, iyo mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan.
Agaasime guud ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqadir Cali Jaamac Keenadiid ahan ku-simaha Agaasimaha ayaa Madaxda Xilwareejinta u soo bandhigay Xogta Wasaradda Maaliyadda oo ka kooban
1-Hantida Maguurto ah
2-Gaadiid
3-Motooro
4-Tirada shaqaalaha Wasaaradda
Xeerilaaliyaha Guud ee Dawladda
Ayaa sheegay in ay muhiimad gaara siinayaan wax ka ogaanshaha Xilwareejinta oo loo igmaday
Maxamed Cabdi Cilmi Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenku Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash Fursadan ay siiyeen dalkana uu ugu shaqayn doono.
Agaasimaha ayaa balan qaaday in uu si hufnaan ah ugu shaqayn doono bulshada waxana uu la dardar daarmay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu Agaasimaha Guud u yahay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa u mahad celiyay ku-siamaha Agaasimaha Guud waxana uu sheegay in uu shaqada ku soo dhaweynayo.