Sawirro: Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Puntland oo furay kulan looga hadlayay waxqabadka Mashruuca Abaabulka Dakhliga

16 April 2022 (Puntlandes) Wasiir Ku Xigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa furay kulan looga hadlayay waxqabadka Mashruuca Abaabulka Dakhliga ee uu Wasaaradda Maaliyadda ka caawiyo Bankiga Adduunka,

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee W/Maaliyadda Mudane Mohamed Cabdi Cilmi, Ku Xigeenka Agasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Mohaemd Abshir iyo Madaxa Mashruuca DRM/PFM Mudane Sher Shah Khan iyo masuuliyiin kale.

Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedka kulanka oo ahaa sidii looga wada hadli lahaa qorshe horay loo dajiyay oo ku saabsan mashruuca xoojinta dakhliga oo bankiga adduunku ka caawiyo Wasaaradda Maaliyadda,

Wasiirka ayaa xusay in Mashruuca Abaabulka Dakhliga (DRM/PFM) uu suurta geliyay in Dowladda ay bixiso Mushaharaadka Shaqaalaha Rayidka ah, dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha

sida Waddooyinka iyo dhismaha mashaariic cusub. Waxa kale oo ay saamayn weyn ku leedahay dhinaca bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada oo ay dawladdu gacan weyn ka geysato horumarinta qaybaha.

Mashruucan ayaa sidoo kale qayb ka ah kor u qaadista tayada shaqaalaha si ay awood ugu yeeshaan kor u qaadista iyo dardar galinta dib u habaynta arrimaha dakhli uruurinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in uu soo dhaweenayo shirk, isla markaasna uu diyaar u yahay inuuu door muhiim ah ka qaato hormarinta iyo dardar galinta shaqooyinka, isagoo xoojiyay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka faa’idaysan Doonto tageeraha bankigu uu siiyo.

Kulanka ayaa lugu soo bandhigay arrimaha qabsoomay, kuwa aan wali qabsoomin iyo sababta keentay in dib u dhac ugu yimaado shaqadaas, maadama mashruuco uu ku jiro gabagabo.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa hormuud u ah dhamaan mashaariicda Bankiga addunka uu ka caawiyo Dawladda Puntland iyadoo laga gaaray guulo waawayn hormarinta iyo dardar galinta mashaariicdaas.

About The Author