Akhriso Jawaab Celinta Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee dacwadii uu Fahad Yasin geeyey Maxkamadda Sare
16 April 2022 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa looga jawaab celiyey dacwadii uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin geeyey Maxkamadda Sare ee kursigiisa ay Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal (FEIT) dib u celiyeen.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa waxa uu Maxkamadda ka codsaday iyadoo tix-gelineysa arrimaha qoraalka ku xusan, sidaan hoose:
1. In ay diiddo cabashada ay dhinaca kale usoo gudbiyay, maadaama aysan jirin go’aan Maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoonkaro, si waafaqsan qod. 5aad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.
2. In ay ayiddo Go’aannada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal 2020/2021, ee Summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay War-saxaafadeed ir. 06 April 2022, kuwaa oo ioo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu Heshiiyay.
3. In Maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan Danta Guud, Caddaalaadda iyo shuruucda Dalka. Qodobka 62 XHMS.