Sawirro-Muuqaalo: Baarlamaanka oo shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal

18 April 2022 (Puntlandes) Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa kulan aan caadi eheyn oo ay yeesheen waxay ku ansixiyeen xiliga ay dhaceyso doorashada gudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo lacagaha laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka gudoonada labada baarlamaan iyo madaxweynaha.

Golaha Shacabka BFS

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa wuxuu shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo noqon doona sida hoos ku xusan:

1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.

2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.

3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.

4. Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022.

Aqalka Sare BFS

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare BFS ayaa wuxuu shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo noqon doona sida hoos ku xusan:

1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.

2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.

3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS 25 April, 2022.

4. Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 26 April, 2022.

Sidoo kale Xildhibaanada labada aqal ayaa isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

About The Author