Rooble oo fal aragixiso oo fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka

18 April 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay buuqii koobnaa ee maanta ka dhacay gudaha xarunta Baarlamaanka, halkaasoo uu ka socday kulan labada Aqal ee baarlamaanku ugu mudeynaayeen xiliga ay dhaceyso doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ahaa falal argagixisnimo oo fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso qoraalka Rooble:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.

Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

About The Author