Madaxweyne Deni oo magacaabay maareeyaha dekadda Garacad
19 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD