Guddiga Amniga Gobalka Mudug oo awaamiir culus soo saaray
21 April 2022 (Puntlandes) Shirka Amniga Gobalka Mudug oo ay ka soo qayn galeen Guddiga Amniga Gobalka Iyo laamaha kala duwan ee amniga ayaa maanta waxaa looga hadlay , xaladda amniga Gobalka Mudug, Saamaynta Shirarka siyaasadeed ee Gobalka Mudug iyo Guud ahaan Puntland ka soo cusboonaaday, Joogtaynta iyo dardargalinta la dagaalanka argagixisada Gobalka, Xoojinta Xiriirka iskaashiga wadda shaqaynta amni ee Galmudug iyo Puntland.
Ugu dambaynta Shirka Guddiga amniga Gobalka Mudug ayaa isku raacay , qodobada hoos ku xusan iyadoona lafaray in cid kasta oo ay khusayso ay fuliso awaamirta Ka soo baxday Guddiga Amniga Gobalka Mudug, waxayna yihiin qodobadu:
1. In aan Gobalka Lagu qaban karin shir Siyaasadeed aan Ogolaansho Ka haysanin Guddiga Amniga Goballka Mudug.
• Cidii shir qabanysa waa in ay ogolaansho heshaa ka hor inta aysan qabanin shirka.
• Cidii qabataa shir siyaasadeed oo aan ogolaansho ka haysanin Guddiga Amniga Gobalka
Mudug, waxay mudanaysaa ciqaab waa faqsan jabbinta awaamiirta Guddiga Amniga
Awgeed.
• Goob kasta oo lagu qabto Shir siyaasadeed oo aan ogolaansho haysanin, waxaa lagala
noqonayaa shatiga ganacsiga waana la xirayaa.
2. Lama qaban Karo dibad-bax aan ogolaansho loo haysanin.
3. Guddiga amnigu wuxuu farayaa dhamaan hay’addaha heer Gobal, Degmo, Police iyo talisyada ciidamada in ay galaan foojignaan amini xiliga kala guurka ah .
4. In la joogteeyo lana dar dar galiyo xoojinta la dagaalanka argagixisada.
5. In la xoojiyo iskaashiga Amniga iyo wadashaqaynta Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.