Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac
21 April 2022 (Puntlandes) Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad) iyo ciidan uu wato ayaa weerar ku qaaday Beerta uu Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee duleedka magaalada Gaalkacyo.
Xilliga weerarku dhacayey waxaa ku afurayey Wasiirka Arimaha Dibadda Dowladda Somaliya oo marti u ahaa Nabaddoonka, iuyadoo uu ka dhashay weerarka khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Hal askari oo waardiyeynayey Wasiirka ayaa ku dhintay is rasaaasaynta halka uu mid kalena ku dhaawacmay, sidoo kale waxaana ku dhaawacmay 5 kale oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad.
Dhaawacyada Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda caafimaad islamarkaana waxa la sheegay in dhaawaca Taliye Koomaad uu yaha mid culus.
Guddigga amniga gobalka Mudug ayaa maanta soo saaray go’aan mamnuucaya shirarka, iyagoo amar siiyay laamaha amniga.