Gudoonka FEIT oo shahaadadii siiyey Xildhibaanadii Ceelwaaq ladu doortay
22 April 2022 (Puntlandes) Gudoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal FEIT ayaa waxay shahaadadii Xildhibaanimo siiyeen Xildhibaan ka midaa kuwii maanta lagu doortay Ceelwaaq.
Wasiirka Waxbarasha DFS Cabdullahi Abukar Xaaji (Carab) oo maanta Xildhibaan loogu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kursiga HOP119 ayey guddigu gudoonsiiyey shahaadada xildhibaanimo.
Guddiga FEIT ayaa waxay go’aamiyeen in la siiyo Shahaadada Xildhibaan kasta oo maray habraaca doorashada lana soo doortay iyada oo aan muddo loo qaban si ay uga qayb galaan doorashada guddoonka Baarlamaanka, bulshada Soomaaliyeedna ay hesho metalaad dhab ah oo gole joog ka noqota go’aamada masiiriga ah ee waddanka iyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya.