Madaxweyne kuxigeen Puntland oo magacaabay guddi baaris kusoo sameeya dhacdadii ka dhacday Gaalkacayo
24 April 2022 (Puntlandes) Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne kuxigeen dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaaa magacaabay guddi baaris ku soo sameeya dhacdadii ka dhacday Gaalkacayo ee arunta gobolka Mudug.
Qoraal kasoo baxay Axmed Karaash ayaa lagu shaaciyey magacyada xubnaha guddigaas.
Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Karaash:
Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6: Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn)