Puntland ma Gobolbaa misse waa Dawlad (State)?

Dastuurka Puntland wuxuu si cad u qeexayaa in ay Puntland tahay Dawlad magaceedu yahay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed (Puntland State of Somalia) wuxuu u qoran yahay sidatan

Qodobka 1aad

MAGACA IYO HIMILADA

  1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
  2.  Himilada Dawladda Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqaraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho oo waafaqsan Shareecada Islaamka, una horseedi karta dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinac walba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaadiniinta Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

 

Qodobka 3 faqradiisa 2 iyo 3 waxay si cad u qeexayaan sida awoodda federaalka loo qaybsanayo iyo inta laga gaarayo qaybtaas waxa ay Puntland tahay. Wuxuu u qoran yahay sidatan.

Qodobka 3aad

  1. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, laguna qeexi doono Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.
  2.  Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

Haddaba maadaama uu dastuurkeena ay madaxda la doortay ku dhaarteen ilaalintiisa uu sidaa  u cad yahay. Aan is waydiino sida maanta wax yihiin iyo hadii la jabiyey dastuurkeenaas cad, sharciga qabanaya cidda jebisay.

Tan iyo siduu xukunka u yimid Cabdiwali Maxamed cali Gaas, waxaa meesha ka baxay dawladnimadii Puntland oo waxaa marar badan issagu afkiisa ka yiraahdaa Maamulada Goboladda iyo dawladda Dhexe. Waxaa taladii umadda Puntland ka dhexaysey si bareer ah loogu wareejiyey dawladda Xamar.

In badanna waa la arkay, waana laga warramay, maanta,daanaa ugu danbeysey oo waxaa inta Cabdiwali Gaas looguyeeray Xamar si uu masawir ula galo John Kerry  iyo  Xassan Sheekh iyadoo micnuhu ahaa in  dawladda maraykanka looga dhaadiciyo ahdaafta dawladda Xamar oo ah in la gaaray dawlad midnimo qaran. Taasina waxay ku cadayd war murtiyeedkii Kerry oo ay ku soo noq noqotay  ” government of national unity” taas oo ay wax ka unkayaan ” regional administrations and their leaders”

Wada hadalkaan mudada kooban oo aan saacadda dhamayn baa waxaa diyaarad looga soo saaray Cabdiwali Gaas Nairobi markaas baa la yiri marka hore waxaa la kulmaya Kerry madaxda qaranka, kulanka labaadna ” madaxda Gobolada oo ay hor kacayaan wasiirada uu kulanku khuseeyo, sida kan arrimaha gudaha oo xukuma dawladaha hoose iyo kan arimaha Debadda .

Waxaas oo ficil ah oo uu Gaas samaynayo waxay si cad uga hor imaanayaan Dastuurka Puntland. Taas oo ah Khiyaano qaran.

Isla qodobka 3 faqradiisa 4 waxay leedahay sidatan.

  1. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:

(b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.
(t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

 

Waxaa cad in ay Dawladda  Xamar iska daa  in wax lagula heshiiyo`e in ay iyadoo dhami u dhisantahay  dhaca iyo burburinta Puntland. Sida ku dooddida meesha gobolka mudug ka tirsan yahay oo hadda aad moodid in muran uu horseed ka yahay Cabdiwali Gaas uu aloosan yahay .

Tanina waa khiyaano qaran tii ugu darnayd.  Iyyadoo wadahadaladii qolyihii Garoowe isugu yimid lagu kala kacay buu inta meel mugdi ah warqad ugu saxeexay madaxtooyada Puntland issagoo ku doodaya in uu Soomaaliya wax wanaagsan la Jecelyahay ( Soomaali jacaylkeedu ma in mooryaan dhac iyo bur bur waxaan ahayn aqoon loo hiiliyaa???)

Taaasina waa khiyaano qaran. Sharikadihii batroolku waxay uga guureen Puntland in Cabdiwali Gaas u sheegay in ay kala xaajoodaan Xamar arimaha Puntland maadaama ay iyyagu yihiin dawladdii dhexe, Xassana uu u sheegay in ay ka baxaan wadanka. Taasna waa khiyaano qaran.

Qodobka 80,  1 iyo2 wuxuu qeexayaa waajibaadka madaxwaynaha. Wuxuuna u qoranyahay sidatan.

Qodobka 80aad

AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA

  1. Madaxweynuhu waa madaxa Dawladda (Head of State) iyo madaxa Golaha Fulinta. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada dadka reer puntland.
  2. Madaxweynuhu wuxuu ka mas’uul yahay difaaca diinta Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

 

Qof walba oo reer Puntland ahi waa ogyahay oo looga, sheekayn maayo in uu Cabdiwali Gaas jebiyey qodobadaas waajibaadkiisa ahayd. Reer Puntland waxay siduu u yimid noqdeen ummad midnimadeedii laysku haysto. Ku tumashada dastuurkuna waxay noqotay iska caadi. Maalin dhawayd buu issagoo raali gelinaya Xassan sheekh yiri “hadaad aragtid ri kugu ag wareegeysa dood bay waxay ka qabtaa dastuur la bedeley ee ogow”. Bal aan is waydiinee hadaan xuquuqdeena ilaashano ma nala caayayaa? Oo waa kuma kan na caayayaa? Ma kay issaga waajibaadka uu meesha ku fadhiyey ahayd baa ilaalinta Dastuurku,  misse waa qof naloo soo xawiley?

Hadaba see la yeelayaa hadii madaxwaynuhu galo xil gudasho la,aan iyo khiyaano qaran?

Hadaba waxaa si fiican u qeexaya qodobka 82 oo sidaan u qoran.

Qodobka 82aad

EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

  1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:

(b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.

(t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad isdifaac.

(j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda.

  1. Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan laba (2) bilood sabab la’aan.

 

Hadaba waxaa la gudboon cidda ay khusayso in ay waajibkooda gutaan. Maadaama ay bulshada wakiil ka yihiin ayna u dhaarteen in ay daacad u noqonayaan dadka, dalka iyo diinta Qodobka 82aad

EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

  1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:

(b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.

(t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad isdifaac.

(j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda.

  1. Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan laba (2) bilood sabab la’aan.

 

  1. 1474

    W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
    Email: mxsaliid@gmail.com

    Daabacaada:Puntlandes.com

.

About The Author