Madaxweyne Deni oo waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabistii iyo xlka qaadkii u sameeyey kuxigeenkiisu
25 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabistii iyo xlka qaadkii u sameeyey kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
madaxweyne Deni ayaa qoraalku ku yiri ”…..waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya”
Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne Deni:
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni “Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.”