Rooble oo ATMIS siiyey amaro la xiira amniga doorashada, yaa geli kara Teendhada?
26 April 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu saaray uga hadlay amniga doorsahada gudoonka Golaha Shacabka iyo madaxweynaha.Rooble aya qoraalka ku sheegay inuu faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone halkaasoo ay berri ka dhacayso doorashada gudoonka.
Sidoo kale waxaa liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, iyadoo ay hubinaya ATMIS akdibna u gudbinayso xafiiska Raisul wasaaraha.
Hoos ka akhriso qoraalka Rooble:
Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.
Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.
Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.