Wasiirka Amniga oo shaqo joojin ku sameeyey Taliyaha Booliska Soomaaliya

27 April 2022 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiirka Amniga Cabdullaahi “Taliyaha Booliiska waxa aan shaqada uga joojiyay Habac dhanka Amniga iyo in uu faraha la galay howlo ka baxsan mas’uuliyadda loo igmaday, waxa uu ku dhaqmay mas’uuliyad darro ballaaran oo waxa uu si bareer ah u sheegay in uusan sugi Karin nabadgalyada Doorashada”

Wasiirka Amniga ayaa wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shag joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan

Maxamed, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.

2. Waxaa si KMG ah hogaanka Cidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Cidanka Booliska

Soomaaliyeed.

3. Wasirku waxaa u farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan

kumilanka siyaasada gar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

4. Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

About The Author