Beesha Caalamka oo war ka soo saartay khilaafka doorashada Gudoonka Golaha Shacabka
27 April 2022 (Puntlandes) Wakiilada beesha Caalamka ee xaruntoodu tahay xerada Xalane ayaa war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee uu dalka galay iyo buuqa hareeyay fadhigii maanta oo xildhibaanada ku dooran lahaayeen gudoonka golaha shacabka.
Qoraalka oo ku qornaa luuqada Soomaaliga ayaa marka hore lagu soo dhaweeyay doorashada gudoonka Aqalka Sare ee shalay lagu qabtay teendhada Afisyooni, halkaas oo si nabdoon loogu soo doortay gudoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen.
Madaxda Soomaalida ayey talo ahaan u soo jeediyeen inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo meel adag gaarsiin karta xaaladda.
Wakiilada beesha Caalamka ayaa madaxda Soomaalida xasuusisay in waxa kaliya ee laga sugayo ay tahay sidii ay dadalakooda dhamaan isugu geyn lahaayeen in doorashada la dadajiyo, si madaxda soo baxeysa ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.
Hoos ka akhriso qoraalka Beesha Caalamka:
27 Apr2022 Saaxiibada beesha caalamku waxay boorinayaan in si nabdoon loosoo dhamaystiro doorashooyinka guddoonka baarlamaanka
Muqdisho – Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.
Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.
*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.