Puntland iyo Jubaland oo ka badbaaday Isku dir dhexdooda ah oo la isku dayay in laga shaqeeyo

29 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaad dejiyay oo soo wacay xildhibaanada Jubaland qaar ka xanaaqsan doorashadii looga adkaaday xildh Caananuug oo reer Jubaland ah oo ay kusoo baxday Sacdiya samatar oo reer Puntland.

Xogta ayaa intaasi ku daray sa in Axmed Madoobe Xildhibaanada la wadaagay in Sacdiya Samatar, ay ka shaqeeyeen Jubaland in ay dib u hesho xubinta Xildhibaanimo oo ay uga ololeeyeen xildhibaano Jubaland ka tirsan oo Garoowe tegay, hadana ay isla Xildhibaano Jubaland ah ay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ugu ololeeyeen una doorteen,sidaasi darteed mahan arrinteedu wax Puntland iyo Jubaland lagu kala dilo ama xumaan looga dhex raadiyo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale faray Xildhibaanada jubaland inay kulan afur ah yeesheen, kana shaqeeyaan midowgooda iyo midowga Puntland iyo Jubaland.

Waxyaabaha uu ku garnaqsaday Axmed Madoobe markii uu la hadlayay Xildhibaanada Jubaland qaar, waxaa ka mid ah Abaalka MD Deni iyo Puntland ku leeyihiin Jubaland. Isagoo tan ugu weyn ku sheegay in Caawa Deni ku guuleystay 16kii Xildhibaan ee Ceelwaaq inay Kaararka qaateen oo Beri Baarlamaanka kulankooda ka qeybgeli doonaan inshallah.

Dhinaca kale kulamo dhexmaray Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu go’aamiyey in wadajir looga shaqeeyo yoolkooda ku aadan in Madaxweyne Deni hoggaamiyo Soomaaliya 2022.

About The Author