Daawo Muuwqaal: Hadaljeedinta guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka ee fadhigii maanta
30 April 2022 (Puntlandes) Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe Ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey.
Sidokale kulanka waxa goob ka ahaa Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Iyo Guddomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar ABshirow
Dhanka kale Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobeayaa sheegay in Baarlamanka uu fasax kooban galayo maadama ay nagu soo wajahan tahay maalmaha ciidul-fidriga iyadoo dib la iskugu soo laaban doono afarta bisha ee soo socota hadii ALLE ka dhigo.