Sawirro- Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka

30 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

About The Author