Sawirro: Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Saraakiisha ciidanka uga digay in aysan ku milmin siyaasadda kana amar…….

03 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida. Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Dhanka kale waxaa Saraakiisha ciidanka ee gudoomiyuhu uga digay in aysan ku milmin siyaasadda ka mid Agaasimihii NISA oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaas oo waayey xilka markuu dhaartay.

About The Author