Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka

03 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xubnaha C6+ ayaa balan qaadey in ay Guddoomiyaha gacan ka siin doonaan dhameystirka doorashada dalka.

About The Author