Golaha Shacabka oo magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha JFS
04 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa soo saaray 8 ka mid ah 11-ka xubnood ee Golaha Shacabka uga mid noqonaya Guddiga Qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS.
Waxayna magacyadooda kala yihiin:
1-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2-Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3-Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar.
4-Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey)
5-Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.
6-Xildhibaan Abdiwahab Abdi Omar (Anananuug)
7-Xildhibaan Cumar yuusuf Khaalib.
8-Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Guddomiye Madoobe ayaa sheegay in 3 xubnood ee harsan saacadaha soo socda lagu soo dari doono si loo dhameystiro xubnaha gudiga maanta la magacaabay.