Guddiga doorashada xilka madaxweynaha oo guddoomiye doortay
05 May 2022 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga bilaabatay qaban qaabada doorashada madaxweynaha, taas oo la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda, si loo dhammeystiro guud ahaan doorashooyinka.
Guddiga dooorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay la soo saaray ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, waxaana guddoomiyey Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow, iyada oo guddoomiye loo doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Golaha kasoo galay Puntkand, wuxuuna ku guulaystay 10 cod.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo tartanka qayb ka ahaa ayaa helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2 Cod oo kaliya.
Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga u sharraxan:- 1-Senator Ibraahim Owgaab Cismaan, 2-Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed, 3-Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Xildhibaan Maxamed keerow Maxamed ayaa ku guulaysay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxwaynaha kadib markii uu helay 9 Cod, halka Xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimoow oo la tartamayna uu helay 7 Cod.
Guddiga ayaa looga fadhiyaa inuu dadajiyo doorashada, isla-markaana uu soo saaro habraaca iyo jadwalka doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu loolami doono.