Sharuudaha mushariinta laga rabo waxaa ka mid ah in ugu yaraan 20 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ama tirada guud ee Sanatarada laga soo doorto hal Dowlad Goboleed….
07 May 2022 (Puntlandes) Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxwaynaha ayaa maanta soo saaray Sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Sharuudaha ayaa waxaa ka mid in ugu yaraan labaatan (20) Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ama tirada guud ee Sanatarada laga soo doorto hal Dowlad Goboleed ee ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u buuxiyaan Foomka hoose musharax kasta.
Guddiga ayaa qoraal ku yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Murashax kasta waxaa waajib ku ah in uu soo buuxiyo Foomka hoos ku lifaaqan, ugu yaraan labaatan (20) Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ama tirada guud ee Sanatarada laga soo doorto hal Dowlad Goboleed ee ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya”