Sawirro: Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif oo is diiwaan-geliyay
08 May 2022 (Puntlandes) Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa is diiwaan-geliyay, qaatayna shaahada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha JFS.
Guddiga isku dhafka ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Musharraxa waxaa laga doonayaa shuruudo ay ka mid yihiin inuu haysto saxiixa 20 Xildhibaan iyo inuu bixiyo lacag dhan $40,000 (afartan kun oo doollar).
Xildhibaanka waxaa loo ogol yahay inuu u saxiixi karo saddex musharrax.
Diwaan-gelinta ayaa ka dhacaysa xarunta Aqalka Sare, waxaana ay soconaysaa muddo 2 maalmood ah, sida ay sheegeen Guddiga isku dhafka ah.