Sawirro-Muuqaal: Nabaddoonada iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Karaash ugu baaqay inuu ilaaliyo jiritaanka Puntland
08 May 2022 (Puntlandes) Nabaddoono iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo shir ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Axmed Karaash ugu baaqay inuu ilaaliyo jiritaanka Puntland.
Nabaddoono iyo Waxgaradka ayaa sheegay inay taageersan yihiin Musharraxninada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee madaxweynaha dawladda Federaalka.
Nabaddoono iyo Waxgaradka ayaa yiri “Cid kasta oo ka shaqaysa kala dhantaalida Puntland iyo burburkeeda, waxay qaadaysaa mas`uuliyadda cawaaqib xumo walba ka dhalata arrintaas”
Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka: