Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo gaaray Magaalada Muqdisho

08 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheikh Cabdi Maxamed Abdirahmaan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.

About The Author