Akhriso Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha JFS
09 May 2022 (Puntlandes) Guddiga isku dhafaka ah ee doorashada ayaa soo saaray habraaca loo marayo sugida amniga doorashada madaxtinimo oo 15-ka bishan oo ku beegan maalinimada Axada ah ee todobaadka danbe ka dhaceyso teendhada AFisyooni oo ku taala xerada ciidamada Cirka.
War-Murtiyeed ka kooban saddex qodob oo ay soo saareen ayey ku sheegeen in ciidamada ATMIS ay sugayaan amniga doorahsada, iyadoo ssi aad ah loo adkeeyay amniga goobta ay ka dhaceyso codeynta.
Madaxweynaha iminka xilka haya ahna Musharax Farmaajo waxaa loo ogol yahay sadex qof oo kala ah.
1- Askariga Astaanta Calanka ah ee gadaal taagan
2- Madaxa Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka
3- Qof u tiriya codadka Sanduuqa.
Musharaxiinta ah Madaxweynayaal hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh waxaa loo ogol yahay 2 qof oo kala ah.
1- Qof hab-maamus ah
2- Qof codka u tiriyo.
Musharaxiinta kale, waxaa loo ogol yahay hal qof oo ah midka codka tirinaya.
Musharixiinta iyo xildhibaanada ayaa loo sheegay iney albaabka Madina Gate isaga soo tagaan ilaalada iyo agwaarida ay wataan, waxaana hoolka doorashada geyn doona gawaari loo sii diyaariyay, iyadoo suxufiyiinta loo diiday iney galaan hoolka doorashada, waxaana loo diyaariyay hool gaar ah oo ay ku yaalaan shaashado ay codeynta kala soconayaan.