Daawo muuqaal: Musharaxiinta madaxweyne ee is-diiwaan geliyey maalinta 2aad waa imisa?

09 May 2022 (Puntlandes) Labadii maalmood ee ay socotay is-diiwaan gelinta musharixiinta madxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa is-diiwaan geliyey 32 musharax oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada.

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa shalay waxaa is-diiwaan geliyey 10 musharax oo kala ah:

1- Shariif Shiikh Axmed

2-Musharrax Daahir Maxamuud Geelle

3-Musharrax C/qaadir Cosoble Cali

4-Musharrax Xasan Cali Kheyre

5-Musharrax C/raxmaan Cabdishakuur

6-Musharrax C/Kariim Xuseen Guuled

7-Musharrax C/raxmaan Ablaal

8-Musharrax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

9-Musharrax C/laahi Cali Xasan

10-Musharrax C/Nuur Shiikh Maxamed.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey 22 musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha maanta is-diiwaangeliyey ayaa waxaa ka mid ah:

1-Musharrax Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

2-Musharrax Abuukar Adan Cabdulle

3-Musharrax Maxamed Cabdullaahi Maxamed

4-Musharrax Jabriil Ibraahim Cabdulle

5-Musharrax Xuseen Cabdi Nuunow

6-Musharrax Cabdullaahi Cali Axmed

7-Musharrax Madaxwayne Cabdi Maxamed kuusow

8-Musharrax Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

9-Musharrax Cabdi Aadan Hoosow

10-Musharrax Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

11-Musharrax Jamaal Axmed Ibraahim

12-Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmed

13-Musharrax Madaxwayne Mxamuud Daahir Aweys

14-Musharrax Xasan Sheekh Maxamuud

15-Musharrax Ridwaan Xersi Maxamed

16-Musharrax Nucmaan Sheekh Cumar

17-Musharrax Mahad Axmed Diiriye

18-Musharrax Muqtaar Maxamed Sayid

19-Musharrax Fowsiya Xaaji Yuusuf

20-Musharrax Axmed Ducaale Geelle Xaaf

21-Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi

22-Musharrax Saciid Ciise Maxamuud

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

About The Author