Xukuumada Puntland oo markii 10aad ka hor timid go,aanka Dawladda Xamar
Ninbaa waxaa laga sheegay, oday baa daroor yahayoo, Habarbaa dareen galaye heelladeena noo tuma.
Maanta markuu Gaalkacyo Ka soo degey Madaxwayne ku xigeenka Puntland buu isaga daliishanaya qodobka 111 ee dastuurka federlaaka ah (haduuba dastuur federal ahí hadda jiro), wuxuu sheegay in aysan Puntland Khusayn, gudiyada Xamar looga dhawaaqay.
Wuxuu is waydiiyey eray cajiib ah oo ahaa ”dad baa waxaa laga yaabaa in ay is yiraahdaan reer Puntland ma dastuur ilaaliye yaalbaa?”
Waxaan xusuusinayaa madaxwayne ku xigeenka Xukuumadda Puntland, Eng Cabdixakiin Cabdullaahi in markii ay talada qabteen uu go, naa xiriirka Puntland iyo Xamar. Sababta uu u go, naana ay ahayd ku tumasho heshiis bulsho iyo ku dhaqmid la,aan Dastuur Qaran. Waa tii laydin arkay idinka oo shuruud la, aan iska daba galay qolyahay Xamar.
Idinka oo iska indha tiray jabintii sadexdii heshiis ee ay Puntland la gashay Dawladda Xamar. Si ay u bedbaadiso dastuurka iyo wada jirka Soomaaliya. Heshiisyadaas oo ahaa kii Gaalkacyo ee August 23, 2009, Fahamki iskaashiga xagga amniga iyo burcad baddeeda (MOU ee Nairobi ee April 12, 2010), Heshiiskii Garowe, March 12, 2013,
Heshiisyadaas iyo wada xaajoodyadii ka dambeeyey ee la isku dayeyey in lagu saxo xadgudubkii iyo fulin la, aantii mar walba ka imaaneysey Xamar. Intaas waxaa dheer heshiisyadii iyo xiriir u jaridii xukuumadiina, ka imaanaysey mudadii yarayd ee meesha aad joogteen.
Iyadoo aan xisaab lahayn inta goor oo aad inta wax soo saarteen haddana saacado kadib laydin arkay idinka oo is wata, iyyadoo aan la ogayn meel booggihii lagu dheyey.
Intaasi waxay ahyd xusuusine markaan u soo laabto dulucda qoraalka, waxaan is waydiinayaa su, aasha ah. Isma maqlaan miyaa afka iyo dhegaha, xukuumadda Cabdiwali Gaas? Ma wada socdaan miyaa madaxa iyo laabtoodu?
Waxaa la yiri nin waalan baa intuu xaafad ka lumay, baa xaafadii oo dhami doon doontay. Markii la soo helay buu isagii inta yaabay yiri ” maxaad iga soo helaysaan beraan lumayaaye” Dawladda Gaas sow berri la arki maayo iyagoo inta qowlkoodaan khilaafay kula socda Saaxiibadood dastuur jebenta (Sidii caadada u ahayd)
Qolhaya Xamarna iyagoo u arka Puntlandta Cabdiwali Gaas iyo Camay sidii sheekadii, Odayga darooryahaya, si aayara iska sii wadan maayaan maroorsiga iyo boobka wixii Soomaaliya ka dhexeeyey.
Soo Cabdiwali Gaas laabtiisu ma Jecla waxa xilka leh ee Xamar ka socda? Oo isaagoo qiiraysan oronmayo ” Ma anoo Soomaaliya baa Ugandhays iyo nin ajinabiya oo Nairobi fadhiyaa ii taliyaa”
Isagoo iska indho tiraya in Dhibka Soomaaliya haystaa uusan ajinabi iyo Ugandhays toona ahayne ay tahay siyaasada, Dhaca, Ixtiraam darrida, Mooryaannimada, maroorsiga, ku tumashadda wax kasta oo lagu heshiiyo ku salaysan ee Xamar ka socota.
Bal ha la waydiiyee muxuu hayin ugu yahay Jacayl aan lala wadin? Oo mar kasta loo arkaa isaga oo inta la bah diley haddana la arkayo iyadoo lala socdo, taas oo keenta in dadka oo dhammi is waydiiyaan, oo goormaa la heshiiyey.
Wiilkii gabadha jeclaaba waa kii ku heesay ”in kastoo aan bukaan iyo kalgacayl basteey ahay Bah dilaad ma gelikaro” isaga oo u cadaynayey gabadha in uusan bah dilaad marna qaadanayn si kasta oo uu u jecel yahay. Misse Cabdiwali Gaas waxiisu jacayl uu Soomaali jecel yahay ma ahaé ula jeedku waa ”Dawacadu meeshii ay macal uga bara tay macaluul ugu bakhtidaa” oo meesha intii yarayd ee Ra,iisul Wasaaraha laga ahaa, baa dhac dhac masaakiin loogu talo galay oo faraqa laga buuxsado baa looga bartay?
Looba joogee, bal in xukuumadaani ay ka dhabayso diidmada waxa loogu yeeray Guddiyo qaran kuwaas oo xaafadah Xamar laga soo uruuriyey
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com