Rooble oo Imaaraatka Carabta u fasaxay $9.6 Milyan
19 May 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Imaaraadka Carabta ugu wareejisay lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar sanadkii 2018 Ciidamada Amniga ay ku qabteen Garoonka Muqdisho, muddo afar sano dowladdu ku heysay Bangiga Dhexe.
Sii-deynta lacagtaas ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, iyadoo ra’iisul wasaaraha uu ku wareejiyay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan, kaddib markii sanadkii hore uu raalli gelin siiyay Imaaraadka dhacdadii garoonka diyaaraddaha ka dhacday April 2018 oo dowladda Imaaraadka sheegtay in lagu xadgudbay diblomaasiyiintooda, isla markaana dowladda Soomaaliya si aan xeerka diblomaasiyadda waafaqsaneyn kula dhaqantay Diblomaasiyiintooda Muqdisho
Dhanka kalena, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.