Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garowe

21 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo oo mudooyinkii dambe safar shaqo ku joogay Caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa galabta siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe.

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamanka waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuummada DPL, Xildhibaanno iyo saraakiil kale.Garoonka Diyaaraha ee Maxamed Abshir waxaa weftiga Guddoomiyaha kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada.

Weftiga Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyey hoolka VIB-da ee Garoonka Diyaaradaha, halkaas oo faah-faahin laga siiyey xaalada Dalka, iyagoona ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey.

About The Author