Sawirro-Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegay in maanta uu soo gabogaboobay wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha cusub iyo Hey’adaha dhaqaalaha Aduunka

21 May 2022 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta uu soo gabogaboobay wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha adduunka.

Wasiir Beyle ayaa yirri “waxaan maanta soo gabagabeynay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Hey’adaha dhaqaala Adduunka oo maanta ay ugu damneysay kulanka Bangiga Horumarinta Afrika”

“Team ka AfDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha waxa ay ka wadahadleen sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageetada Bangiga ee Soomaaliya”

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ay ka go’an tahay ka guul gaarista barnaamijka dayn cafinta l.

“Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta”

About The Author