Daawo Muuqaal: Wasiir Maxamed Kaahin ”Faysal Cali Waraabe wuxuu yiri Soomaaliya aynu ku noqono”
22 May 2022 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland isla markaasna ah gudoomiye kuxigeenka Xisbiga talada haye ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey sanad guuradii 20aad ee aasaaskii Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu u soo jeediyay in Somaliland ay Soomaaliya dib ula midowdo.
Wasiir Kaahin ayaa sheegay in kulankii 16 May ay yeesheen mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, uu Faysal ka yiri “Dowladnimadii Somaliland way socon waydee aynu Soomaaliya dib ula midowno”.
Kaahin ayaa yiri “Habeenkii markaanu wada hadlaynay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi waynu fashilanay, dowladnimo dad wadi kara ma nihin, dowladna wadi kari mayno, Xamar-na wataa socotay, inana maanta waynu iska soo horjeedna cid inagu kala guntada ayaynu u baahanahay, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaaliya ku noqono”
Wasiirka ayaa dhanka kale caddeeyey in la furayo Ururada Somaliland wuxuuna shacabka Somaliland ugu baaqay inay bedelaan labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ee iminka mucaaradka ah.