Madaxweyne xasan sheekh oo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka
23 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa La Taliyaha Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin oo horay xilkan u soo qabtay.
Xilkaan ayaa Madaxweyne Framaajo waxaa u hayey Fahad Yasin oo ahaa gacanntiisa midig, loona yaqaanay mulkiilaha dawladda.
Xuseen Macalin ayaa sanadihii u dambeeyay madax ka ahaa Machadka Daraasaadka Amnig ee Hiraal oo uu aas aase ka ahaa.