Rooble oo guddi umagacabay qabanqaabada xuska xoriyadda….

13 June 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u magacaabay qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigaan ayaa ka kooban 16 xubnood waxaana loo igmaday inay si siman u xiriiriyaan hay’addaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta Xoriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu guddigaan magacaabi doona guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xoriyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dube ayada oo ku-xigeen uu ka yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur, halka ay xubno ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

About The Author