Sawirro-Muuqaalo: Wasiir Dhabancad oo xariga ka jaray 200 oo Guri oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo

25 June 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xariga ka jaray 200 oo Guri oo loo dhisay barakacayaasha degan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo.

Guryahaan waxaa loo dhisay dadka barakacayaasha ah ee degan Degmada Gaalkacyo waxaana laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo, waxaana maalgelisay hay’adda UNHCR.

Munaasabadda xariga jarka guryahaan oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR ee Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Ugu damayntii dadkii loo dhisay guryahaan waxaa lagu wareejiyey furayaashii iyo sabraloogadii guryaha.

Sidoo kale markuu soo idlaaday xarig jarka masuuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer ku tagay goobaha adeegyada bulshada ee Deegaanka Jeexdin, sida iskuulka, ceelka biyaha iyo goobaha caafimaadka.

Halkana ka daawo hadaljeedintii gudoomiyaha degmada Gaalkacyo

About The Author