Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilal magacaabay
03 July 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo todobaadkii hore si rasmi ah xilka ula wareegay toosna u shaqa bilaabay ayaa maanta sameeyay magacaabistii ugu badneyd.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale u magacaabay Afhayeenka Xukuumada Federaalka ahna Agaasimaha Warfaafin iyo Xiriirka Dadweynaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Farxaan Jimcaale ayaa hadda ah Tafaftiraha Telefishenka BBC SOMALI, iyadoo lagu wado inuu xilkan cusub la wareego bishan gudaheeda.
Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamse waxa uu magacaabay La Taliyeyaashiisa arrimaha Amaanka, Dib u heshiisiinta, Siyaasada iyo xiriirka caalamiga.
1- Cali Cabdi Awaare La Taliyaha Arrimaha Dib u Heshiisiinta.
2- Kamal Gutale La Taliyaha Amniga.
3- Dr Axmednuur Maxamed Cabdi La Taliye Sare Arrimaha Siyaasadda.
4- Dr Hodan Cusmaan La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah.
Xamse ayaa sidoo kale u magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Abuukar Zubeyr oo soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.
Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamse ayaa magacaabay:
1- Farxaan Maxamed Jimcaale Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
2- C/laahi Shariif cabdi Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisul wasaaraha
3-Haashim Maxamed Cali Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda