Sawirro: Puntland oo laga daahfuray shir u dhaxeeyey Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaalka

03 July 2022 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiwali Mire Xirsi oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Waasaradda Arrimaha Gudaha, Yuusuf Axmed Maxamuud Aw Cismaan ayaa daahfuray shir u dhaxeeyey Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Dowlad Goboleed iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socdey Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabele, koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ujeedka socdaalka waftiga ayaa ahaa sidii aqoon kororsi uga qaadan lahaayeen ama uga baran lahaayeen dhigooda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Guud ahaan Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG iyo hannaanka qaabdhismeedka Shaqo Shaqaale ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Ugu horeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waftiga si diiran ugu soo dhaweeyey Puntland, wuxuuna uga warbixiyey hayaanka iyo geedi socdka ay Degmooyinka Puntland soo mareen, Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale xusey in Puntland sidii horeyba looga bartay ay markasta diyaar u tahay in Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya ay ka faa’iideystaan hormarka dhanka hay’adaha Dowliga ah ee ay ku talaabsatay Dowladda Puntland.

Wafdiga ayaa inta ay joogaan Puntland waxa ay booqan doonaan Hay’adaha Dowladda iyo Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Puntland qaarkood iyagoo ka faa’iideysan doona hannanka dakhli aruurinta, diyarinta qorshayaasha Degmooyinka, miisaaniyad dajinta, habraacyada goleyaasha Deegaanka iyo shaqooyinka ay qabtaan Waaxyaha kala duwan ee Dowladaha Hoose ee Puntland.

Shirka waxaa Ka soo qaybgalay qaar ka mida Wasaaradaha Dowladda Puntland, Xafiiska Champoinka ee Mashruuca JPLG iyo Madaxda Sare ee mashruuca JPLG iyo Shaqalaaha Wasaaradda arrimaha gudaha PL..

About The Author