Sawirro-Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo u diiday Codka Xasaanada Xubnaha Magacaaban ee Maxkamada Sare
04 July 2022 (Puntlandes) Baarlamaanka dawladda Puntland ayaa maanta u diiday Codka Xasaanada Xubnaha xubnaha Maxkamada Sare ee uu magacaabay madaxweynaha dawladda Puntland.
Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, Ajanduhuna ahaa Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9 xubnood, waxayna codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan.
Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ee codka Kalsoonida Golaha Wakiillada DPL waayay ayaa kal ahaa;
1. Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
2. Nuur Ciiise Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
3. Axmed-haadi Aadan Yuusf, Garsoore Maxkamadda DPL ee magacownaa
4. Cabdiqani Diiriye Cawl, Garsoore Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
5. Cabdinaasir Cabdullaahi Cali, Garsoore Maxkamadda Sare DPL ee magacownaa
6. Maxamuud Aadan Cabdulle, Xubin Keydka Garsoorka Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
7. Cabdishaafi Axmed Cali, Xubin Keydka Garsoorka Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
8. Daahir Maxamed Nuur, Xubin Guddi Maxkamadda sare DPL ee magacownaa
9. Xasan Cabdi Cilmi, Xubin Guddi Maxkamadda sare DPL ee magacownaa.