Madaxweynaha Puntland oo dib u magacaabay xubnihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland
04 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa dib u soo magacaabay xubnihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland ee uu Baarlamaanka dawladda Puntland u diiday codka kalsoonida.
Hoos ka akhriso Xeer Madaxweyne Lr. 28:
Garoowe: 04 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabidda Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
Waxaa kale oo la magacaabay
B. Keydka
1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
T. Xubno Guddi
1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD