Sawirro-Muuqaal: Puntland oo tababar loo soo xiray in badan 100 Askeri oo ciidanka ilaalada waddooyinka

04 July 2022 (Puntlandes) Puntland ayaa waxaa tababar loo xiray in badan 100 Askeri oo ciidanka ilaalada waddooyinka dawladda Puntland.

Munaasabadda xiritaan ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan, wasiirku xigeenada wasaaradaha Cadaalada, Howlaha guud, Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ,Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland S/gaas Yaasiin Cumar Dheere,Taliye kuxigeenka ciidanka Asluubta Puntland ahna kusimha,hogaanadda Ciidanka booliska, taliyaasha qaybaha Nugaal iyo Cayn,gudoomiyaha gobolka nugaal iyo sarakiil kala duwan.

Ciidankan ayaa mudo waxa lagu taba barayay kuliyada Ciidanka Asluubta ee ( General Cali Nuur ) iyagoo qaadanayay casharo ku aadan wada marista iyo noocyada ganaax ee mu taysan karo qofka ku xad gudba sharciyada wado marista

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Maxamed Cali xaashi oo lahadlay ciidanka maanta tababarka loosoo xiray ayaa bogaaday sida mudan ay uqaateen tababarka waxa uuna ku booriyay in sida tababarka loosiiyay bulshadooda ugu adeegaan.

About The Author