Somaliland oo Xabsiga kasii daysay Siyaasiyiin katirsan Xisbiaya Mucaaradka
05 July 2022 (Puntlandes) Waxaa maanta xabsiga Mandheera laga sii daayay siyaasiin ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo dawladda Somaliland ugu xirnaa arrimo siayasadeed.
Arrintan ayaa timid ka dib markii salaadiin ka mid ah kuwa Somaliland ay dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ee maamulkaasi.
Mid ka mid ah salaadiinta hawshan qaybta ka qaadatay ayaa sheegay in siiddaynta maxaabiista ka dib ay berri kulmi doonaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaddu.
“Waxaa xigi doona qoladii mucaaradka ahayd iyo dowladda oo kulmi doona berri sagaalka subaxnimo iyadana kheyr baan ka rajaynaynaa”. ayuu yiri suldaanka oo BBC-da la hadlay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa waayadaan dambe taagnaa khilaaf ka dhashay doorashada oo u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaradka, lamana oga in dadaalladan ay soo afjari doonaan xurguftii dhinacyada u dhaxaysay.