Madaxweyne Turkiga oo ka hadlay kulankii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya
06 July 2022 (Puntlandes) Waxaa maanta farxad ii ah marti qaadka madaxweynaha Soomaaliya walaalkey qaaliga ah Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdigiisa oo ku sugan Ankara.Turkigu wuu sii wadi doonaa garab istaagga walaalihiisa Soomaaliyeed.
Iskaashiga ganacsi, oo ahaa $2 milyan sannadkii 2003, wuxuu gaaray 363 milyan oo doolar sanadkii hore.
Waxaanu tababarnay 5 kun oo askari oo xoogga dalka Soomaaliyeed ah iyo kun askari oo howlgalada gaarka ah.
Muqdisho waxaan booqday 3 jeer 2011, 2015 iyo 2016.
Kaalmada aan gaarsiinay Soomaaliya 10-kii sano ee lasoo dhaafay waxay kor u dhaaftay 1 bilyan oo doolar.
Turkish Airlines oo soo afjartay 20 sano oo ay Soomaaliya hakad duulimaadyada caalamiga ah ku jirtay iyadoo bilowday duulimaadyo toos ah.
Dhismaha safaaradda aduunka ugu weyn oo Turkiga ka dhistay Soomaaliya.
Marka laga soo tago xarumaheena rasmiga ah, tiro muhiim ah oo ururada bulshada rayidka ah ayaa garab taagan walaalaheena Soomaaliyeed.
Isbitaalka waxbarashada iyo cilmi baarista ee Recep Tayyip Erdo ğan ee Muqdisho iyo Kulliyadda Culuumta Caafimaadka waxay daawo u yihiin dadka aan walaalaha nahay ee ku nool dalalka Gobolka.
Ku salaysan guul iyo wada shaqayn loo siman yahay, waxaan ku dadaalaynaa inaan kor u qaadno iskaashiga aan la leenahay dhammaan walaalaha Afrika.
Turkiga ahaan, waxaan sii wadi doonaa inaan Soomaaliya ka taageerno la dagaalanka argagixisada, xasiloonida iyo amniga, sidoo kalena sii wadi doono horumarinta xiriirka aan la leenahay Afrika.