Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii Soomaaliya ee Eritrea tababarka loo geeyay

10 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu wehlinayay Madaxweynaha Eritrea ayaa kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamadii Soomaaliya ee Eritrea tababarka loo geeyay.

Markii ugu horraysay waxaa warbaahinta kasoo muuqday ciidamadii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea lagusoo tababarayay, halkaas oo uu ku booqday madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxeynaha Eritrea.

Ciidamadan oo lagu qiyaasay tiradooda shan kun oo askari ayuu madaxweynuhu ugu tagay goobta uu tababarka ugu socday, waxaana la filayaa in madaxtooyada goor dhow war kasoo saartay socdaalka uu madaxweynuhu ugu tagay.

Ciidamadan oo muddo ku dhow 3 sano ku sugnaa dalka Eritrea waxaana dawladda la sugayaa inay mar dhow dalka dib ugusoo celiso si ay uga qeyb qaataaan dib uxoraynta deegaannada Alshabaab.

About The Author