Puntland oo dib u celisay diyaarad siday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya ahna kusimaha madaxweynaha

11 July 2022 (Puntlandes) Puntland ayaa dib u celisay diyaarad sida deeq gargaar oo ay saaran tahay kusimaha maaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Weriyayaal iyo dadweyne kale ayaa laga celiyey garoonka diyaaradaha Bosaso kuwaas oo doonayey inay soo dhaweeyaan Gudoomiye Sacdiyo Salaad oo saaka safar uga soo ambabaxday Muqdisho.

Puntland ayaa sheegtay inaysan Dawladda Fedetraalka ahi wax xiriir ah la soo samayn, ayna doonayeen inay iska soo galaan.

Arrintaan ayaa loo sababaynaa khilaaf dhinaca qeybsiga gargaarka abaaraha oo ka dhex jira dowladda federaalka iyo Puntland, waxayna Puntand diidan tahay sida aan xogta ku helayno, in saamigii ay lahayd aysan ka helin dowladda federalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa sidaas oo kale horey loogu dhaliilay gargaar kooban oo ay dhowaan geysay magaalada Garowe, iyadoo aan soo dhowayn ka helin maamulka Puntland.

Dhawaan, barlamaanka Puntand ayaa codsaday inuu yimaado Puntland, ergayga abaaraha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si ay uga hadlaan arrimaha abaaraha iyo qoondada Puntland.

About The Author