Iska horimaad Garoonka diyaaradaha Bosaso ku dhexmaray ciidamada PMPF & PSF

11 July 2022 (Puntlandes) Iska horimaad ayaa dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Iska horimaadka ayaa dhexmaray ciidamada PMPF-ta ee gacanta ku haya amaanka Garoonka diyaaradaha iyo ciidanka PSF-ta ee ku sugan magaalada Boosaaso, kaas oo yimid kadib markii Garoonka laga celiyey diyaarad ka timid DFS.

Sidoo kale, Warar qaar ayaa sheegaya in ciidanka PSF ay doonayeen inay soo galbiyaan kolonyada wafdiga Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha shacabka Sacdiyo Salaad oo ku soo wajahneyd magaalada.

Diyaaradda Wafdiga Kusimaha Madaxweynaha ayaa siday dawo iyo gargaar deeq ah oo loogu talo galay bulshada gobalka Barri, taas oo ay qeyb ahaan uga heleen kaalmada dawladda Faderaalka Soomaaliya la soo gaarsiiyey.

About The Author