Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Faroole iyo Gaas: “Dhibkii Boosaaso ka dhacay waxaa mas’uul ka ah Guddoomiye Sacdiyo Salaad, iyadoo baalmartay nidaamka dowladda Puntland

12 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ah Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Ambasadör Axmad Ciise Cawad ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waxay kaga hadleen shaqaaqadii ka dhacday magaalada Bosaso.

Madaxda ayaa qoraalkooda ku caddeeyey inay mas`uul ka tahay dhibkii dhacay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Sacdiyo Salaad Samatar, iyagoo qoraalka ku yiri ”waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacay iney mas`uul ka tahay ku Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Salaad Samatar iyadoo baalmartay bidaamka dawliga ahaa oo dalkul ahaa”

Madaxda ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee reer Puntland gaar ahaan reer Bosaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dawladnimo.

Ugu dambayntii madaxda ayaa hoosta ka xariiqay inay Puntland leedahay maamul la doortay uuna yahay wadada ay tahay in loo maro xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

About The Author